Raas Real Estate Home Sellers Guide
Hagaha Iibiyaha Guryaha ee Raas Real Estate Property
Tallaabada 1: Qiimee Hantidaada
Ka hor intaadan bilaabin iibinta, qiimee hantidaada sida: guriga ama dhulka si aad u ogaato qiimaha saxda ah ee suuqa. Raas Real Estate waxay kaa caawin doontaa:
– Qiimaynta Suuqa: Waxaan samaynaa falanqeyn iyo qiimeyn (real estate property appraisal and valuation) suuqa ah si aan u ogaano qiimaha ugu fiican ee hantidaadu uqalanto.
– La-Talin Hantiyeed: Wakiilkayaga ayaa kaala talin doona si aad u hesho qiimayn sax ah.
Haddii aad rabto qiimeyn dheeraad ah, waxaad adeegsan kartaa khabiir qiimeeya hantidaada oo madax-bannaan.
Tallaabada 2: Diyaarso Dukumeentiyada Sharciga ah
Diyaarso dhammaan dukumeentiyada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay si aad u iibiso hantidaada. Waxaad u baahan tahay:
– Warqadda Mulkiilaha (Title Deed): Si loo xaqiijiyo in aad tahay milkiilaha sharciga ah ee hantida.
– Aqoonsiga Shakhsiyeed: Kaarka aqoonsiga ama baasaboorka.
– Dukumeentiga Hantida: Caddeynta lahaanshaha iyo dukumeentiga diiwaangelinta.
Tallaabada 3: Ku Diiwaangeli Hantidaada Raas Real Estate website:
Marka dukumeentiyada la diyaariyo, la xidhiidh Raas Real Estate si aad hantidaada u geliso suuqa iyadoo lagu soo bandhigayo www.raaspro.com.
– Foomka Diiwaangelinta Hantida: Buuxi foomka diiwaangelinta oo online ah adiga bixinaya faahfaahinta hantidaada.
– Sawirrada loo baahanyahay: Waxaan kuu qaadi doonaa sawirro xirfadeysan si aan u soo bandhigno hantidaada.
Tallaabada 4: Suuq-geyn iyo Xayeysiin
Raas Real Estate waxay bixisaa adeegyo suuq-geyn oo ballaadhan si loo xayeysiiyo hantidaada:
– Xayeysiin Online ah: Waxaan ku daabacnaynaa liiska hantidaada boggayaga iyo baraha bulshada ee Raas Real Estate Property.
Tallaabada 5: Wada-hadal iyo Heshiis
Marka macmiil suurtagal ah uu xiisaynayo hantidaada, wakiilkeenna ayaa kaa caawin doona wada-xaajoodka si loo dhameystiro heshiiska kala gadista hantidaada.
Tallaabada 6: Heshiiska Iibka iyo Lacag-bixinta
Marka heshiis la gaaro, waa in la diyaariyo Heshiiska Iibka, kaas oo qeexaya shuruudaha iyo xaaladaha iibka.
Tallaabada 7: Dhamaystirka Iibka iyo Wareejinta Mulkiyada
Marka heshiiska iibka la saxiixo, lacag-bixinta waa la dhammeystirayaa, waxaana lagu wareejinayaa mulkiyada.
Tallaabada 8: Diiwaangelinta Hantida
Tani waa tallaabada ugu dambeysa ee sharciga ah ee lagu diiwaangelinayo hantida magaca iibsadaha.
Shuruudaha Sharciga iyo Liiska Dukumeentiyada
Waa kuwan dukumeentiyada muhiimka ah ee loo baahan yahay inta lagu jiro habka iibka:
– Aqoonsiga Shakhsiyeed: Kaarka aqoonsiga ama baasaboorka.
– Warqadda Mulkiilaha (Title Deed): Si loo xaqiijiyo lahaanshaha sharciga ah.
– Heshiiska Iibka: Heshiiska la saxiixay ee u dhexeeya iibiyaha iyo iibsadaha.
– Caddeynta Lacag-bixinta: Caddeyn dhammaan lacag-bixinta la sameeyay.
– Dukumeentiyada Diiwaangelinta: Si loo dhammeeyo wareejinta mulkiyada.
Macluumaadkaan waa mid Hagaya mulkiilayaasha hantida maguurtada ah, wuxuu ka caawin doonaa iibiyeyaasha inay fahmaan habka diyaar garowga iibinta hantidooda oo dhameystiran iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si ay ugu guuleystaan diyaarinta hantidooda iyada oo loo marayo Raas Real Estate Property. Haddii aad u baahan tahay caawimaad dheeraad ah, fadlan nala soo xiriir: WhatsApp ama
Tell: 252613333111.